Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxa uu Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay Guddiga Cusub ee Maaliyadda Golaha Shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadleen qaabka ugu wanaagsan oo ay u wada Shaqeyn lahaayeen,sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle.
Villa Hargeysa: waxaan la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyadda BFS oo aan ka wada hadalnay qaabkii aan uga wada shaqeyn laheyn howlaha culus ee ina horyaala ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda ay ka go’an tahay in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka.
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa waxaa  Maalin ka hor dib u habeyn ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxaana shalay ay doorteen Guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye.