Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen Diyaaradda oo ka sii hoobanaysay Buuraha, isla markaana aysan filaynin in dad ka samata-baxaan Shilkaasi.
Shirkadda Diyaaradaha Pakistan ee PIA ayaa sheegtay inay waayeen xiriirka Diyaaradaasi oo ku soo jeeday caasimadda dalkaasi ee Islamabaad.
Kooxaha Gurmadka ee Milliyteriga ayaa sheegay inay heleen 20-mayd, waxaana socda gurmadka lagu baadi-goobayo dadkii la socday Diyaaradaasi.
Sarkaal lagu magacaabo Raaj Maxamed Khaan ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay wada gubteen dadkii la socday Diyaaradaasi.
Telefishinadda guud ee dalka Pakistan iyo Warbaahinadda Bulshadda waxaa la soo dhigay Muuqaallada burburka Diyaaradaasi.
Dhinaca kale, Diyaaradaasi waxaa la socday 43 Rakaab iyo 5 shaqaale iyo Hal Injineer.
Fannaan caan ka ah dalkaasi oo lagu magacaabo Junayd Jamsheed ayaa la sheegay inuu saarnaa diyaaradaasi.
Ilaa 3 qof oo shisheeye ah ayaa ka mid yihiin rakaabkii saarnaa Diyaaradaasi burburtay.