Madaxweynaha JFS iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Eng. C/xakiim Cameey ayaa isku khilaafsay in Puntland xubno laga siiyo xubnaha Beelaha Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Arrintan ayaa soo if baxday iyadoo ay Madaxweynaha JFS iyo Eng. Cameey maanta Kulan Khaas ah ku yeedsheen Villa Somalia.
Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Eng. C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Cameey oo horkacayo Ergaddaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in saami la siiyo Beelaha Puntland ee wax ka deggan Waqooyiga Somalia.
Wuxuuna ku adkeystay in Puntland 3 xubnood laga siiyo Saamiga Beelaha Waqooyi, wuxuuna ku dooday inay Beelo ka tirsan Maamulka Puntland wax ka deggaan yihiin Goballadda Waqooyi, waa sida uu hadalka u yiri.
Eng. C/xakiim Cameey oo isagu ka soo jeeda Beesha Dhul-bahante ee wax ka degta Goballadda Waqooyiga Somalia ayaa u muuqda inuu sed-bursi dheeri ah doonayo, si uu xubnaha Beelaha Waqooyi wax uga helaan.
Laakiin, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku adkeystay inay Puntland saamigooda horey u qaateen, loona baahnayn inuu damac kale ka galo xubnaha Beelaha Waqooyi ka heleen Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Hadalka Eng. C/xakiim Cameey ayaa ku soo beegmay, iyadoo lagu wado inay Ergadda Beelaha Waqooyi berri doortaan Xubnaha uga mid noqon doono Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda.
Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, ayaa horey ugu baaqay in wax laga qabto Tebashadda Puntland iyo inaan faragelin lagu samaynin xubnaha Beelaha Waqooyi.
Waxaana uu Madaxda Madasha ku booriyey inay arrintaasi xal u helaan, lana faragelinin Hawsha u socota Guddiga Doorashadda.
Si kastaba ha ahaatee, Kulanka Madaxda Madasha Qaranka ayaa laga cabsi qabaa inuu khilaafkaasi hareeyo, laguna kala tago.
©Radio Dalsan