Ku-dhawaad 100 qof ayaa ku geeriyootay, iyadoo boqolaal kalena ku dhaawacmeen Dhul-gariirka maanta ruxay Gobalka Ajeh ee Waqooyiga Jesiiradda Sumatra.
Kooxaha Gurmadka waxay isticmaalaan qalabka wax lagu qodo iyo gacmahooda, si ay u soo saaraan dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay Dhul-gariirkaasi.
Sarkaal u hadlay Gobalka Ajeh ayaa sheegay inay 93 qof geeriyootay, in ka badan 500 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo badankooda xaalladooda aad u liidato.
Dhinaca kale, Telefishinada dalkaasi ayaa soo bandhigay Muuqaalada Masaajid soo dumay iyo Gawaari burbursan.
Madaxweynaha dalkaasi, Joko Widodo ayaa la filayaa inuu berri booqdo deegaanadda uu dhul-gariirki ka dhacay, waxayna Saraakiisha dadka ku booriyeen inay bannaanka iska seexdaan, kana fogaadaan dhismayaasha.
©Radio Dalsan