Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay saakyto hawlgal ka fuliyeen magaalladda Mombasa, kuna soo qabteen nin ka tirsan Alshabaab iyo waxyaabaha qarxa.
Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Khalid Mohamed ayaa laga soo qabtay Hoygiisa oo ku yaalla Xafadda Bondeni ee magaalladda Mombasa.
Hawlgalkaasi oo ay iska kaashadeen Ciiddan ka tirsan Boliska, kuwa gaarka u tababaran iyo kuwa loo yaqaano GSU, ayaa waxaa la sheegay inay guriga Khalid Mohamed ka soo heleen bam-gacmeed lagu farsameeyey dalka Raashiya, qaraxyo Balaastik ah iyo qalab miinooyinka lagu qarxiyo, waa sida ay sheegteen.
Waxay kaloo sheegeen inay soo qabteen gaari xamuul oo ay sheegeen in hubka iyo raashinka loogu geyn jirey Dagaalyahanno Alshabaab oo ku sugan Kaymaha Boni Forest.
Taliyaha Boliska Gobalka Mombasa, Robert Kitur ayaa xaqiijiyey in la soo qabtay ninkaasi, wuxuuna sheegay inay hayaan Mobaylo uu leeyahay, oo uu xusay inay u adeegsan doonaan baaritaanadooda.
Sirdoonka Kenya ayaa sheegay inuu Khalid Mohamed xubin ka  yahay Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu yahay Dagaalyahan tababar fiican u leh qaraxyadda.
Dhinaca kale, in ka badan 200 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab ayaa la sheegay inay ku sugan hdulka hawdka ee u dhexeeya Garissa, Lamu iyo Webiga Tana River.
Â
Â
 © Warqabadka Dalsan Radio