Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Faransiiska
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Safarka uu ugu dhoofay dalka Faransiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay kusii sagootiyay Madax ka tirsan dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Faransiiska uga qeyb galayo madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.
Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Xasan Cali Kheyre Magaalada Paris ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa madasha nabadda Paris.