Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Baladweyne.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa xubnaha Xisbiyaha Madasha Qaran, waxaana Ugaas Khaliif iyo Bulshada ku dhaqan Baladweyne ay ka hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaadii deegaanka uu ka sameeyay Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya ayaa Maanta booqday halka Baladweyne ay ka da’gan yihiin qosaskii ka barakacay fatahaada Wabiga, waxaana booqashadooda ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle.
Dhinaca kale Madaxda Xisbiyada Qaran ayaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaarsiiyay gurmad loogu talagalay dadkii ay saameeyeen fatahaadii halkaas ka dhacday.