Afhayeenka Milliteriga Dowladda Libya, Kolonel Axmed Al-mesmari ayaa u sheegay Websaytka Alwasaat inay Diyaaradaasi Waaberigii hore ee saakayto ku burburtay deegaan 40 KM dhanka Galbeed kaga toosan Degmadda Tobruk.
Diyaaradaasi ayaa ku jirtay Duullimaad ay isaga kala gooshaysay Degmooyinka Raas Lanuuf iyo Tobruuk, mana cadda sababaha rasmiga ee ay u burburtay Diyaaradaasi oo ay la socdeen 8 qof oo kala ahaa:- Madixii Xafiiska Taliyaha Ciiddanka Hubeysan ee Libya, Idris Yoonis, 3 Shaqaalaha Diyaaradda iyo 4 qof oo rayid ah oo aan weli la aqoonsanin.
Dhinaca kale, Telefishinka Sky News Arabia ayaa baahiyey inay Helikoptarkaasi la socdeen 7 qof oo 5 ka mid ah ku geeriyooday burburka Diyaaradda.
Warkan oo laga soo xigtay Ilo dhinaca Ammaanka Libya ayaa lagu sheegay inay 2 Sarkaal ka badbaaday Shilka Diyaaradeed ee ka dhacay Bariga dalka Libya
©Radio Dalsan