Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa baahisay in 3 Xarun oo ay Xisbiyadda Mucaaradka leeyihiin la ololiyey saqdii dhexe iyo Waaberigii hore ee maanta oo Talaado ah.
Ugu yaraan maydadka laba qof ayaa laga helay Xarunta Xisbiga weyn ee UDPS, waxaa kaloo la gubay Xarumaha Xisbiyadda Mucaaradka ee FONUS iyo MLP oo ku yaalla Waqooyiga magaalladda Kinshasa.
Dhacdadan ayaa timid hal maalin kadib, markii ay dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Josef Kabiila oo ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Kinshasa.
Ugu yaraan 50 qof oo rayid ah iyo Labo Askari ayaa lagu dilay Iska horimaadkaasi rabshadaha watay ee looga soo horjeedo inuu Madaxweyne Kabiila dib isku sharxo marka uu Xilligiisa dhamaado bisha December 20-da ee sannadkan.
©Radio Dalsan