Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa hadalkaasi ka sheegay Xarunta Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ) oo maanta dhegeysanayo Ergadda Soomaalida, si ay u xaqiijiyaan Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Dowladda Kenya ku doodayso in horey Heshiis Is-faham loogu dhameeyey.
Xeer-ilaaliyaha waxa uu tilmaamay inay isaga iyo Qareennadda Caalamiga maanta hor tageen Maxkamadda, si ay ugu gudbiyaan Milkiyadda Sharciga Xuduud-baddeedka ee Somalia iyo inay ka jawaabaan Hadal ay Ergadda Dowladda Kenya shalay ku sheegeen inay Maxkamadda ICJ qaadi Karin.
Xeer-ilaaliyaha waxa uu intaasi ku daray inaysan Kenya haysanin Sharci Rasmi oo ay ku xaqiijinayaan Milkiyadda Badda Somalia, wuxuuna Xeer-ilaaliyuhu ku gacan sayray Codsiga ay Ergadda Kenya shalay ka codsadeen Maxkamadda ICJ in dib loo ddhigo Dacwaddaasi, ilaa ay Somalia ka helayso Deganaansho buuxa.
“Dowladda Somalia marnaba kama laabanayso Dacwadaasi, mana oggolaan doono Codsiga Kenya ku doonayso inay Maxkmaadda ICJ dib u dhigaan Kiiskaasi” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha oo si qiiro leh u rajeeyey inay Somalia ku guuleysan doonto Dacwadaasi.
Sidoo kale, Ergadda dhinaca Sharciga ee la socota Xeer-ilaaliyaha ayaa iyagana muujiyey inay ku kalsoon yihiin inay Somalia ku guuleysan doonto Dacwadda ay ku difaacanayso Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.
Dhinaca kale, Ergadda Soomaalida waxay mar kale Maxkamadda ICJ hor tegi doonaan maalinta Jimcaha, ka hor intaysan Maxkamadda ICJ ku dhawaaqin Go’aanka ku aadan inay Maxkamaddu xaq u leedahay inay qaadaan Dacwadda u dhexeysa Somalia iyo Kenya, inkastoo Dowladda Kenya diidan tahay arrintaasi.
Ergadda Dowladda Kenya oo shalay hor tagay Maxkamadda ICJ ayaa la filayaa inay mar kale berrito hor tagaan Fadhiga Maxkamadda, si ay uga jeediyaan Is-difaacooda aan Sharciga Lahayn.
©Radio Dalsan