• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

57-guuradii Asaaska Ciiddanka XDS: Munaasabad Gocasho Taariikheed Kaaf Iyo Kala Dheeri leh.

Bilan Media by Bilan Media
April 12, 2017
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Tiirka ay Dowladaha ku hawl galaan  ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin Ciiddamadda Qalabka Sida, kuwaasi oo loo dhidbay inay difaacaan dadka iyo dalka.

Waana hubanti inay Ciiddankeenna XDS yihiin Ciiddan kaalin lama illaaban ah ka soo qaatay Difaaca Qaranka iyo Ilaalinta Xuduudaha Bad iyo Berriga.

Waxaa lagu xusuustaa Sooma-jeestayaasha XDS sida Waddaniyadda xambaarsanayd ee ay naftooda qaaliga ugu hureen inay dadka iyo dalka ka difaacaan caddowga gudaha iyo kuwa Xuduudaha.

Tan iyo markii Ciiddanka XDS la asaasay bishii April 12-dii ee sannadkii 1960-kii ilaa burburkii ku yimid Nidaamka Dowladnimo ee dalka, waxay ahaayeen Ciiddan daacad ah oo har iyo habeen u taagnaa Difaaca Dalka.

Saraakiishii dhidibadda u aasay Ciiddanka XDS ayaa waxaa laga xusi karaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddanka XDS, Marxuum Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi, oo isagu xilkaasi hayey 1960-kii ilaa 1964-kii.

Marxum Jeneral Daa'uud

Marxuumka waxa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalladda Mosko ee dalweynihii Midowgii Soofifeet (USSR), oo haatan loo yaqaano dalka Raashiya.

Jeneral Daa’uud waxa lagu tilmaamaa Aabaha asaasay Ciiddanka XDS, waxayna Saraakiisha iyo Ciiddankii hore rumeysan yahay inuu Jeneral Daa’uud C/lle Xersi ahaa Halyeey iyo Waddani u taagnaa horumarinta Awoodda Ciiddamadda iyo Difaaca Dadka iyo Dalka Somalia.

Waa hubaal inay Ciiddanka XDS guulo waa weyn soo hooyeen Xilliyaddii Colaadaha ee uu dalkeenna ku jiray Xaallad Dagaal.

Guulihii Lama illaabaanka ee lagu xusuusto XDS ayaa ahaa Dagaalkii ay Ciiddanka Ethiopia la galeen sannadkii 1964-kii, kana dhacay Deegaanka Wajaale ee W/galbeed ee Jamhuuriyadda Somalia.

Iska horimaadkaasi oo ahaa mid ay Jeyshkeenna ku muujiyeen Geesinimo, waxaana si khaas ah loogu xusuustaa Halyeey Maxamed C/lle Xalane oo ku shahiiday isagoo Calanka Qaranka ka qotominayey goobihii lagu dagaalamay.

Sidoo kale, ciiddanka XDS waxaa lagu xusuustaa Dagaalkii ay Ciiddanka Ethiopia la galeen sannadkii 1977-kii.

Ciiddanka XDS waxay ahaayeen Ciiddamo ka dhisnaa Qalabka iyo Mooraalka Waddaniyadda, waxayna goobaha dagaalka ka muujiyeen wacdarro iyo Xeellado  Ciiddan oo ay Dowladaha waa weyn la amakaageen.

Qeybihii kala duwanaa ee Ciiddanka XDS, sida Ciiddanka Dhulka, kuwa Cirka iyo kuwa Badda ayaa waxay ka soo dhalaaleen Waajibaadka Qaranka, waxayna ku muteysteen Ammaan, Abaalmarin iyo Taageeradda Mujtamaca.

Xusuusta Lama illaabaanka ee Ciiddankeenna ayaa bohol lagu riday, markii ay Dowladdii Kacaanka sii liicaysay, taasi oo ugu dambeyntii soo dedejisay Kacdoonkii Jabhadaha Hubeysnaa, oo iyaguna xaalladii ka si idaray.

Taangiyaddii ilaa qoryihii fududaa ee yiillay Xerooyinka min Gaasaska, Guutooyinka, Qeybaha ilaa Bakhaaradda Kaydka ee Ciiddamadda waxa uu gacanta u galay dad rayid ah, kuwaasi oo Hubkii Qaranka lagu difaacayey ka dhigtay hub wax lagu dhaco, wax lagu dilo, lagu isbaaraysta ama lagu difaco Beelaha ama Hoggaamiye Kooxeedyadda.

Burburkii Dowladnimo ayaana la dhihi karaa inay Ciiddankii Qaranka ku tabar beelaan, waxayna taasi keentay inay Sohdimaha dalka baylah noqdaan, ilaa ay ugu dambeyntii Ciiddankeenna noqdaan kuwa ugu liita Ciiddamadda dalalka deriska iyo kuwa Caalamka.

Xilligan, oo ay Dowladda Federalka majaraha dalka hayso ayaa waxaan weli si fiican loo dhisin Ciiddanka Qaranka, iyadoo Siyasiyiinta cuqdad ka qabaan Ciiddamadda oo ay u arkaan inay Afgembi ku qabsan karaa Talada dalka.

Fikirka noocaasi oo ay Siyaasiyiinta Dowladihii KMG ilaa Dowladda Federlka laga dareemi karo ayaa waxay khasabtay in ay Ciiddankeenna Qiimeynta Caalamka ka galaan Kaalinta ugu hooseyso.

Waxaa luntay Naanaystii Ciiddanka XDS ee ahayd Libaaxyadda Afrika, waana ayaan-darro inaan Heerka Caalamka ka galno Qiimeyntaasi.

Qiimeyn lagu soo daabacay Websaytka Hay’adda Caalamiga ee GFP International ayaa waxaa  lagu xusay inay Milliteriga Somalia yihiin Ciiddanka ugu tabarta yar Ciiddamadda 162-Waddan.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan in dib-u-dhiska Ciiddanka weli ku hor gudban yihiin caqabado, oo ay ugu horreeyaan iyagoo aan helin Qalab, Daryeel iyo Mushaar ku filan oo joogto ah.

Waxay kaloo Ciiddanka cuqdad nafsi ka qaadeen Ciiddanka AMISOM, kuwaasi oo ay Beesha Calaamka siiyeen Daryeel Khaas oo caynba cayn ah, waxayna ka mushaar iyo nolol fiican yihiin Ciiddanka Qaranka.

Image result for golihii sare ee kacaanka 1969

Image result for golihii sare ee kacaanka 1969

MILLITERIGA SOMALI

Image result for golihii sare ee kacaanka 1969

Image result for golihii sare ee kacaanka 1969

Related image

Markaynu isku soo duubno, waxaa la qiri karaa inuu Mustawihii Ciiddanka X.D.S. aad u hooseeyo, mana muuqdaan ifafaalo horseedi kara inay gaaraan Mustawahii ay taagnaayeen Burburka Dowladdii Kacaanka ee loogu yeeri jirey Libaxyadda Afrika.

©Radio Dalsan

Previous Post

Dhageyso:Warka Subax Ee Radio Dalsan

Next Post

Boqolaal Muhaajiriin ku xiran Maraykanka oo cuntada ka soomay.

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post

Boqolaal Muhaajiriin ku xiran Maraykanka oo cuntada ka soomay.

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00