400- oo qof oo ku xiran Xarunta dadka lagu hayo ee Deegaanka Tacoma ee magaalladda Washington ayaa la sheegay inay diideen inay wax cunaan, iyagoo ka cabanaya Xaalladda Xaruntaasi iyo iyadoo dib loo dhigay Dhegeysiga Dacwadahooda.
.Xaruntaasi ayaa leh 1,575 Sariir oo loogu talagalay Muhaajiriinta sugaya in Dacwadooda la dhegeysto ama in laga masaafuriyo Maraykanka, waxaana dadkaasi soo xiray Saraakiisha Hay’adda socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi.
Boqolaal Tahriibayaal ku xayiran Xrumaha Federalka ee dalka Maraykankaayaa sannadihii la soo dhaafay ku dhaqaaqay Cunto-ka-soomid ay kaga cabanayeen Xaalladda Xabsiga iyo heerka cuntada la siiyo.
©Radio Dalsan