• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

46-guuraddii ka soo wareegtay Curashaddii Kacaankii Milliteriga ee 21-kii October sannadkii 1969-kii

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 21, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
4
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Caawa oo kale, bishii October 21-dii ee sannadkii 1969-kii waxaa Isbedel Maamul ku yimid Haykalka Dowladii Rayidka ee haysay Talada dal-weynaha Somalia.

Maalmahaasi waxa baroor-diiq Qaran loogu jirey geeridii Madaxweynihii Xilligaas, Marxum Abdirashid Ali Sharma’arke oo lagu dilay magaalladda Laas Caanood ee Gobalka Sool.

Saraakiisha ugu cuslaa Milliteriga X.D.S. ee xilligaas waxay dareemeen inuu dalku ku soo wajaha yahay Xaallad Khatar ah, waxayna qaatay Go’aan ay kula wareegeen Majarihii dalka.

Waxaa la dhisay Golihii Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed oo uu hoggaminayey Madaxweynihii hore, Marxum Jeneral Maxamed Siyaad Barre, waxaana xubno ka ahaa Saraakiil ay ugu muhiimsanaayeen:-

  1. Jeneral Xuseen Kulmiye Afrax,
  2. Jeneral Maxamed Cali Samantar,
  3. Jeneral Salaad Gbaayre Kediye,
  4. Jeneral Jaamac Cali Qoorsheel,
  5. Jeneral Maxamed Caynaanshe Guuleed,
  6. Jeneral Cabdalla Maxamed Faadil,
  7. Kolonel Cali Mataan Xaashi,
  8. Kolonel Ismaaciil Cali Abokor,
  9. Kolonel Axmed Sulaymaan Cabdalla,
  10. Kolonel Maxamed Sheekh Cusmaan Makaa’iil,
  11. Kolonel Maxamed Cali Shire,
  12. Kolonel Maxamuud Geelle Yuusuf,
  13. Kolonel Faarax Wcays Duule,
  14. Kolonel C/risaaq Maxamed Abuukar,
  15. Kolonel C/qaadir Xaaji Maxamed Masale,
  16. Kolonel Maxamed Cumar Jees,
  17. Kolonel Muuse Rabiile Good,
  18. Kolonel Bshiir Yuusuf Cilmi,
  19. Iyo Kolonel Cabdi Warsame Isaaq.

 

Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu ka badbaaday  Afgembi dhacay bishii April ee sannadkii 1978-kii, waxaana Saraakiishii Kacaanka ee ku fashilmay Afgambigaasi lagu wada fuliyey Xukun dil ah.

Golihii Kacaanka Soomaaliyeed waxaa dhexdooda u yaallay Xeer ahaa  in Xubnihii lagu helo Isku-day Afgembi in la dili doono,

Waxaana ka Saraakiishii lagu fuliyey Xukunka Dilka ugu caansanaa Jeneral Salaad Gabayre Kediye iyo Jeneral Maxamed Caynaanshe.

Dowladda Milliteriga waxay xukunka dalka hayeen muddo 21-sanno ah, waxaana lagu xusuustaa  Wanaag iyo Xumaan.

Dowladda Kacaanka, waxay Muwaadiniinta u fududeeyeen inay si lacag la’aan ku helaan Adeegyadda muhiimka sida Waxbarashadda iyo Caafimaadka.

Ardaydii  ku soo hanaqaaday Dowladdii Kacaanka waxay haysteen Waxbarasho ilaa Heer Jamaacadeed oo lacag la’aan ah, iyadoo Ardayda dhamaysata Waxbarashadda si toos ah shaqo looga sioin jirey  Wasaaradaha Dowladaha.

Dowladdii Milliteriga waxay culayska saartay  Arrimaha Amniga Qaranka, waxaana gacan bir ah lagu qaban jirey Shaqsi kasta oo ka horyimaada Himilada Kacaanka.

Waxaa inta badan xukun dil ah lagu fulin jirey Madaxda lagu helo Xatooyo Dadweyne iyo Eedeysanayaasha kale ee geysta Fal-dembiyadda khatar ku ah Danaha Qaranka.

21-kii sanno ee ay Dowladdii Kacaanka xilka haysay waxaan la mamnuucay Shirarka Siyaasadeed iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

Waxaa dalka ka jira hal Xisbi, kaasi oo ah Xisbigii Kacaanka Hantiwadaagga Soomaaliyeed oo marka loo soo gaabiyo loo yaqsiinay XHKS.

Madaxweynihii Dowladda Kacaanka, Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxa uu ahaa Hoggaamiye Aragti Dheer, wuxuuna culayska saari jirey Dhismaha Ciiddamadda Qaranka, gaar ahaan Xoogga Dalka iyo Ciiddanka Nabadsugidda ee loo yaqiinay NSS-ta.

Waxaa Ciiddanka NSS-ta xubno ka ahaa dhamaan Ururradda Bulshadda, iyadoo Degmo kasta laga dhisay Xarunta Degmadda, si loogu wacyi-geliyo Bulshadda iyo in Maamulka Dedmadda ula socdaan Dhaqdhaqaaqa Dadweynaha.

Waxaa Maamulka Degmooyinka la hawl-gelin jirey Ciiddan la oran jirey Guul-wadayaasha, kuwaasi oo inta badan hormuud ka ahaan jirey Abaabulka iyo Kicinta Bulshadda iyo Ka-qeybgalka Ololaha Iskaa Wax-u-qabso.

Dowladdii Kacaanka waxaa lagu xusuustaa Mashaariicda Horumarinta iyo Dhiiri-gelinta Wax-soo-saarka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xoolaha.

Waddanka waxa uu ka dhismay Difaac ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Amni ahaan, waxaana lagu noolaan jirey Nabad buuxda, mana jirin cabsi khatar ahayd.

Shirkadaha Diyaaradaha, Maraakiibta iyo kuwa Ganacsiga waxay dhamaantooda hoos tegi jirey Dowladda Kacaanka, mana jirin xilligaas Shirkaddo Xawaalad iyo Bangiyo Khaas loo leeyahay.

Dowladda Kacaanka waxay ku dhaqmi jirtey Nidaamka Hanti-wadaagga, Caburinta Hadalka iyo in Gacan bir ah lagu qabto dadka lagu tilmaamo Kacaan-diid iyo Dabadhilif.

Mabaa’diidii Kacanka ee qaldanaa waxa ugu muhiimsanaa Qaladkii Diinta ee dhacay sannadkii 1975-kii, kadib, markii uu Jaalle Siyaad jeediyey Khudbad aan laga fiirsanin.

Khudbadiisa waxay ku saabsanayd Barnaamijkii Dowladda ee Xeer-qoyska iyo waxa uu ugu yeeray Sinnaanta Ragga iyo Dumarka , taasina waxa ka dhashay Kacdoon Dadweyne, oo Culumaa’udiinka horkacayeen.

Dowladdii Kacaanka waxay xireen, isla markaana dil toogasho ah ku fuliyeen 10-Shiikh oo gaashaanka ku dhuftay Qorshahaasi.

Mashaa’iqda la dilay waxay kala ahaayeen:

  1. Sheekh Axmed Sh. Maxamed
  2. Sheekh Muuse Yuusuf
  3. Sheekh Axmed Iimaan
  4. Cali Xasan Warsame,
  5. Xasan Ciise Iley
  6. Maxamed Siyaad Xirsi
  7. Cali Jaamac Xirsi
  8. Aadan Cali Xirsi
  9. Saleebaan Jaamac Maxamed
  10. Yaasiin Cilmi Cawil.
Previous Post

Somali President says committed to peaceful democratic transition in 2016

Next Post

Muwaadin Somali Maraykan lagu dilay Minneapolis

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday
English News

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday

May 14, 2025
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Next Post

Muwaadin Somali Maraykan lagu dilay Minneapolis

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday

by Liban
May 14, 2025
0

MONTEVIDEO, URUGUAY – Former President of Uruguay José “Pepe” Mujica, a man globally revered for his humility, authenticity, and deeply...

UN raises alarm as flash floods displace 84,000 in Somalia, kill 17 amid worsening climate crisis

UN raises alarm as flash floods displace 84,000 in Somalia, kill 17 amid worsening climate crisis

by Dalsan Editor
May 14, 2025
0

By: Abdirazak Mogadishu, Somalia – More than 84,000 people have been affected by flash floods across Somalia since mid-April, with...

President Mohamud rolls out ‘Justice and Unity’ party in high-stakes move ahead of upcoming elections

President Mohamud rolls out ‘Justice and Unity’ party in high-stakes move ahead of upcoming elections

by Liban
May 14, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a bold and politically charged speech during the launch of a new political party led by...

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

by Liban
May 13, 2025
0

WASHINGTON, D.C. — In a sweeping and controversial move that reshapes U.S. military influence in the Middle East, the White...

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday
English News

Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
UN raises alarm as flash floods displace 84,000 in Somalia, kill 17 amid worsening climate crisis
English News

UN raises alarm as flash floods displace 84,000 in Somalia, kill 17 amid worsening climate crisis

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Mohamud rolls out ‘Justice and Unity’ party in high-stakes move ahead of upcoming elections
English News

President Mohamud rolls out ‘Justice and Unity’ party in high-stakes move ahead of upcoming elections

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
English News

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxwaynihii ugu faqiirsanaa caalamka oo geeriyooday
  • UN raises alarm as flash floods displace 84,000 in Somalia, kill 17 amid worsening climate crisis
  • President Mohamud rolls out ‘Justice and Unity’ party in high-stakes move ahead of upcoming elections
  • Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00