Dhimashada Afarta ruux ayaa timid ka dib markii ay shil ku galeen shalay gelinkii dambe gaari ay wateen duleedka Magalada Gibiley,waxana la sheegay in sidoo kale lix Ruux ay shilkaasi ku dhaawacmeen.
Gaari nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayay la socdeen dadkaas,waxana gaariga ka baxay mid ka mid ah taayaradiisa taas oo keentay in uu wadada ka baxo,sida ay Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Soomaaliland u sheegeen in dad ka badbaaday shilkaas.
Dadkii ku dhaawacmay shilkaas oo gaaraya ilaa lix ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Magalada Hargeysa si loogu daaweeyo,kuwaas oo qaarkood dhaawacoodu uu culus yahay sida ay sheegeen dhaqaatiirta Isbitaalka Magalada Hargeysa.
Afarta ruux ee shilkaasi ku geeriyootay ayaa kala ahaa laba rag iyo laba Dumar ah,waxaana meydkooda la geeyey Magalada gibiley oo Galbeedkeeda uu shilka ka dhacay.
Dhawaan Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliland waxa ay soo saartay amar ku socday darawalada kaas oo ku aadanaa in Gawaarida aysan u wadi Karin si xowli ah, ka dib markii deegaanada Soomaaliland ay shilalka ku soo bateen.