Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Maanta ka dhacay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer ee Kenya, kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyey ayaa waxaa lala eegtay gaari Bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah, isla markaana waxaa uu qaraxu gaarigaas ku qabsaday, xili uu marayay deegaanka Andaki ee koonfurta Gobolka Wajeer.
Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday qaraxaas dhacay Maanta oo Arbaco ah, halka tirro dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.
Laba maalin kahor ayey aheyd markii qarax miino uu haleelay gaari Bas oo ku sii jeeday magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan 13 qof ayaa ku naf-waayay qaraxaas.