Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo ku aadan amniga deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay Yuusuf Daba-geed in amniga deegaanada Hirshabeelle uu faraha ka baxay, isla markaana ay xirmeen waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Jowhar iyo Baladweyne.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu tilmaamay in Al-shabaab wax ka yar 5-KM ay u jiraan Magaalada Baladweyne, isla markaana halkaas ay ku sugan yihiin.
Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa waxaa uu Madaxda Hirshabeelle ku eedeeyay inay ku fashilmeen wax ka qabasha amniga, isagoona xusay in arrintaas ay tahay mid nasiib darro ah.
Si kastaba marka laga soo tago hadalka Yuusuf Daba-geed saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Ciidanka dowladda howlgal wada furis ah ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.