Waxaa Goordhaw Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii Maanta Su’aallaha lagu weeydiinayo Wasiiradda Caafimaadka iyo Gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka.
Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddomiye ku xigeenka kowaad ee Galaha Shacabka Mudane Cabdiweli Ibraahim Shiekh Muudeey, sidoo kale waxaa kulanka goob joog ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa Wasiirka Caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur Su’aallo ka weeydiin doona howlaha shaqo ee Wasaaradda Caafimaadka iyo arrimo kale oo ku aadan shaqadaas.
Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Su’aallo weydiin doona Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya Xamse Saciid Xamse, kuwaasi oo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaradda Gargaarka.
Waxaa kaloo Wasiir Xamse Saciid Xamse wax laga weeydiin doonaa howlaha gargaarka ee loo sameeyay dadkii dhawaan ay sameeyeen fatahaadihii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada dalka.