Yuhuudda oo duqeysay fariisimo Milliteri oo ku yaalla Suurya

Diyaarad laga leeyahay Yuhuudda ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto duqeeyeen  Fariisimo Ciiddan oo ku yaalla meel ku dhow Tuulladda Xader ee Gobalka Quweytra.

Wakaalladda Wararka Syria  ee SANA ayaa sheegtay inay iska waabiyeen Duqeyntaasi, inkastoo ay  waxyeello soo gaartay  qalab yaallay Xaruumahaasi.

Dhinaca kale, Milliteriga Yuhuudda kama hadlin duqeynta ay saakayto ka geysteen Fariisimo ay Ciiddanka Syria ku leeyihiin meel ku dhow Buuraha Golan Haytis oo ay Yuhuudda ku qabsadeen Dagaalkii ay Syria la galeen sannadkii 1973-kii.

Saacado ka hor weerarkaasi, waxay Milliteriga Yuhuudda sheegeen inay soo rideen Diyaarad Drones oo laga lahaa Syria, oo dul maraysay Hawada Yuhuuda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media