Yuhuudda iyo Dagaalamayaasha XAMAAS oo is-weydaarsday duqeyn.

Diyaaradaha Dagaalka ayaa la sheegay inay Waberigii maanta duqeyn la beegsadeen labo goobood oo ay Dagaalamaayaasha XAMAAS ku leeyihiin Marinka Qasa.

Lama soo sheegin wax Khasaaro oo ka dhashay Duqeyntasi oo u muuqatay in looga aar goosanayey Hoobiyayaal ay Ururka XAMAAS xalay la beegsadeen Deegaano ku yaalla Koonfurta Yuhuudda.

Dhinaca kale, ma aha markii ugu horreysay ee ay Labada dhinac duqeyn is-weydaarsadaan.

Dagaalamayaasha XAMAAS waxay sannadkii 2014-kii dagaal socday muddo 50-maalmood ah la galeen Askarta Yuhuudda, iyadoo markii dambe Xabbad-joojin laga gaaray Dagaalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media