Taliyaha Boliska dalka Malaysia, Khaalid Abubakar ayaa sheehay inay Saraakiisha Boliska Caalamiga ee INTERPOL u xaqiijiyeen Amarka lagu soo xiray 4 nin oo u dhalatay W/Kuurya, si wax looga weydiiyo dilkii Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un.
Ciiddanka Ammaanka ee Malaysia wxy dilkaasi u xireen 2 haween oo u kala dhashay dalalka Indonesia iyo Vietnam, kuwaasi oo dareere waxyeela Nerfaha wejiga ka mariyey Kim Jong Nam bishii hore 13-dii, xilli uu ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha  ee Kuala Lampur.
Dilkaasi waxa uu xiisad Diplomaasiyadeed ka dhex abuuray Dowladaha Malaysia iyo Waqooyiga Kuurya oo iyagu horey xiriir wanaagsan u lahaa.
Ra’isul-wasaaraha dalka Malaysia, Najiib Rasaaq oo maanta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inuu bilaaban doono Wada-xaajood Toos ah oo ay la yeelanayaan Dowladda W/Kuurya.
©Radio Dalsan