Xuska maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaadanayaan dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in go’an tahay Dowladda Federaalka  xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta  qarannimada Talyaaniga, si aan u muujino wanaaga xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya labada wadan, dalkeenna markii uu ka qarxay dagaalkii sokeeye ee dhibaatada badan sababay” ayuu yiri RW Xamse Barre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa intaas kusii daray “ waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobanimada badneyd ee Shacab iyo Dowladba aad  gacmo furan ku soo dhaweeyseen qaxootigii Soomaaliyeed ee dalkiina ku Qaxay”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor