Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyo lagu laayay dad shacab ah

Bayaan kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yuusuf bin Axmed ayaa lagu cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisadu ka garoonka diyaaradaha Cadan ee dalka Yemen.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Yemen inaysan ka niyad jabin dib u dhiska dalkooda iyo xoojinta amniga.

Xoghaya ayaa intaas ku daray inay garab taagan yihiin dowladda Yemen kana caawin doona wax kasta oo ay u baahato si dalka loogu soo celiyo xasilooni.

Dad kor u dhaafaya 25 ayaa ku dhintay qaraxyadii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha Cadan, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media