Xulka Qaranka Somalia ee 17-sanno jirada oo ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartmaha ee Cecafa

Xulka qaranka ee Soomaaliya da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha ee Cecafa.

Soomaaliya waxay 3-1 uga badisay xulka South Sudan.

Ciyaarta kama dambeysta ah ayaa haatan lagu soo gabagabeeyay garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maalmihii lasoo dhaafay wacdaro ka dhigayay tartanka, waxay kasoo badiyeen Itoobiya iyo Uganda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor