Lix Askari oo weerar lagu dilay

6 ka tirsan Saraakiisha Ammaanka ee dalkaasi ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Degmadda Keej ee K./Galbeed ee Pakistan meel ku dhow xuduudka ay la wadaagaan dalka Syria.

Wasiirka Warfaafinta ee Gobalka Bolujistaan, Axmed Buledi ayaa u sheegay REUTERS in Ciiddankaasi la dilay, xilli ay socdaal ku marayeen waddo ku taalla dhulka Buuraleyda ee Degmadda Keej.

Dhinaca kale, Kooxaha Maleeshiyadda ee BLA iyo BRAS  oo Qoraal E-mailo ah u kala diray Telefishinka Aljzeera waxay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi. oo 6 Askari lagu dilay, 14-kalena lagu dhaawacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor