Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Uganda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre oo ka qaybgalaya shirka caalamiga ah ee madasha Tana Forum, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Bahir Dar ee shirku ka socdo Madaxweyne Ku Xigeenka Uganda, Jessica Alupo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha TanaForum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor