Golaah Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta kulan ka yeeshay Xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo Shirka uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xsueen Rooble.
Kulanka ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha taagan oo ay ka mid yihiin Ciidankii dhawaan Dowladdu ku daabushay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo arrimaha amniga.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka.
Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.
Waxaana Guddiga uu magacaabay RW Rooble ay ka kooban yihiin Shan Wasiir, waxaana ka mid ah Wasiirka amniga iyo Wasiirka amniga, kuwaasi sheegay in aysan waxba kala socon Ciidanka la geeyay baaldweyne, oo aa waxba lagala tashan.
Golaha ayaa sidoo kale ka dooday cabsi gelin ay sheegeen Al-Shabaab ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka ku habboon.