Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu hakiyey Natiijada doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin #HOP201 #HOP209 iyo #HOP211, kuwaasi oo dacwo laga soo gudbiyey, waxaana dacwada baaris ku sameeyn doona Guddiga.
Guddiga Khilaafaadka ayaa caddeeyay in dacwada laga soo gudbiyey saddexda kursi ee Golaha Shacabka ee ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay kusoo dhameystirmi doonaan muddo 7 maalmo gudahood oo ka bilaabaneysa Maanta oo khamiis ah.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.
Kursiga HOP#209 ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.
Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay, kadib doorasho ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.