Xukuumadda Cusub ee DDSI oo la horgeynayo Baarlamaanka

Shalay oo Sabti aheyd ayaa Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa uu Guddiga fulinta u gudbiyey Golihiisa Wasiirada Cusub oo uu soo Magacaabey.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar uu Baarlamaanka horgeeyo Golaha si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan.

Golaha Wasiirada Cusub ee DDSI ayaa waxa ay ka kooban yihiin 27 Wasiir,waxaana ku jirin wax haween ah,waxaana taasi cabasho ka keenay qaar ka mid ah Haweenka ku nool DDSI.

Inta badan Golaha Wasiirada Cusub ee uu Magacaabey Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa la sheegay inay yihiin Qurba-joog,waxaana jirtay in horay looga digayey inuu Wasiiradiisa ku soo daro balse haatan ay soo baxaan inuu ku soo daray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media