Dhageyso:-Shuruud lagu xiray musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland

War ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa baaq loogu diray siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas ee doonaya inay isku-soo sharaxaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta marwalba dhaliila Madaxda dowlad goboleedka Jubbaland in ay marka hore ka qayb qaataan xoreynta deegaanada maqan ee Jubbaland,isla markaana  markaas kaddib  ay u bannaan tahay in ay isu soo sharaxaan qabashada hoggaanka Jubbaland.

Warka ka soo baxay Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Siyaasiyiinta deegaanadaas qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayeen inuu doonayo mudo kororsi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

1997713660293220

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media