Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari ayaa Maanta oo Axad ah u fariisatay dhageysiga dacwad loo geysto Odayaal iyo Siyaasi bil ka hor lagu xiray Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo lagu riday xukuno kala duwan.
Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka ayaa xabsi muddo saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo dollar ku riday Siyaasi Muuse Cali Jaamac, Nabadoon Cabdullaahi Yuusuf Buuxe iyo Nabadoon Cawad Aadan Maxamed.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa Nabadoon Cabdicasiis Bayadhabo iyo Nabadoon Maxamuud Aadan Rooble ku xukuntay laba sano oo xabsi iyo ganaax lacageed oo dhan 1,000 oo dollar.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Bari oo ka hadlay fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in eedeeysanayaasha la xukumay ay ku cadaatay dembiyo ay kamid yihiin kicin dadweyne iyo Aflagaado ay u geysteen Xukuumadda uu hogaamiyo Maaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Odayaasha iyo Siyaasiga ayaa bil kahor waxaa lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana Maanta oo Axad ah ugu dambeyn lagu riday xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi iyo ganaax lacageed.