Waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan weerar xoogan oo saacado badan qaatay oo Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Xeebta ee Lamu.
Dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay weerarka Al-shabaab saakay waaberigii hore ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada oo lagu magacaabo Camp Simba.
Afhayeenka Ciidamada Dalka Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ay ka horteegeen, isla markaana ay dileen 4 kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.
Isaga oo sii hadlaayay Paul Njuguna ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Kenya iyo kuwa Mareykanka ee ku sugnaa Saldhiga Camp Simba aysan jirin wax Khasaaro oo soo gaaray.
Dhinaca kale Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weli ka dhex-dagaalamayaal gudaha Saldhiga.