Maxkamad Gobaleedka Rostov ee dalka Raashiya waxay maanta Xukun ku riday Labo Nin oo lagu helay inay tahriibinayeen qeybo ka mid ah Gantaalka Nidaamka Difaaca Hawada ee S 300.
Labada Eedeysane oo u kala dhashay dalalka Raashiya iyo Yukrayn waxaa lagu soo oogay Fal-dembiyeedka Basaasnimo iyo Khiayano Qaran, iyagoo la sheegay inay doonayeen inay Qalabka Raadaarka ee S 300 u gudbiyaan Shirkadda Difaaca ee dalka Yukrayn.
Eedeysanaha u dhashay Raashiya oo lagu magacaabo Denis Lobof  waxaa lagu  xukumay  Xabsi 9 sano iyo 6 bilood, halka Eedeysanaha u dhashay Yukrayn oo lagu magacaabo Ararat Khajatrayan lagu xukumay 10-sano iyo 5 bilood oo Xabsi ah.
Maxkamaddu waxay kaloo amartay in Labada Eedeysane  lagu xiro Xabsi amaankiisa aad loo ilaaliyo.