Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland ayaa maanta ku wareejiyay amniga goobta loo asteeyay doorashada Baarlamaanka Aqalka Sare Ciidamada Booliska Maamulka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban heer Dowlad Goboleed SEIT Jubbaland Siyaad Maxamed Mursal ayaa warbaahinta u sheegay maanta in ay amniga goobta doorashada ku wareejiyay Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM.
Ciidamada lagu wareejiyay amniga doorashada iyo guddiga oo wada jira ayaa kormeeray xarunta lagu qabanaayo doorashada Baarlamaanka Aqalka sare ee lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland maalinta berri ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 29 Luulyo 2021.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka ee Jubbaland ayaa Maanta diiwaan-geliyay Musharaxiinta loo soo gudbiyay ee ku tartameysa qaar kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedetaalka Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, mana jiro weli dhaq-dhaqaaqyo doorasho oo ka socda maamul Goboleedyada kale ee dalka, xili dib u dhac uu ku yimid Jadwalka doorashada.