Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Sool ayaa Maanta oo sabti ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin ku eedeysan inuu dhawaan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Korneel Maxamuud Cali Xade.
Eedeysane Mowliid Maxamed Jaamac ayaa lagu helay inuu 24-kii bishii hore ee Maarso gudaha Laascaanood ku dilay Korneel Maxamuud Cali, waxaana Mowliid uu falka kadib isku dayay inuu baxsado gacanta kusoo dhigay ciidanka ammaanka magaalada.
Maxkamadda ayaa la horgeeyay Mowliid Maxamed Jaamac oo qirtay inuu dilay marxuumka Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Sool ayaana ku dhawaaqay in xukun dil ah ku rideen Mowliid.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa lix bilood oo xabsi ah ku riday nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cawil Cabdi Maxamed , kaa oo lagu helay in uu gacankudhiiglaha kala shaqeenayay sidii uu u baxsan lahaa.