Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa ka hadlay habraacii Doorashada Golaha Shacabka oo Maanta talaado ah kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal.
War-saxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa waxaa lagu sheegay in aan la isku raacsaneyn habraacii lasoo saaray, iyagoona shaaciyay in habraacyada aysan aheyn kuwo sax ah.
Xubnahaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb yar oo kamid ah Guddiga doorashada ee uu hoggaamiye Guddoomiye Maxamed Xasan Ciro ay soo saareen habraac aan waafaqsaneya wadajirka Guddiga.
Sidoo kale waxaa ay shacabka Soomaaliyeed u cadeeyeen tallaabada ay qaadeen xubnaha yare ee Guddiga ay tahay mid ay ku doonayaan inay ku carqaladeyaan habsami u qabsoomida doorashada dalka iyo Shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaranka.
Xubnahaan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ee diiday habraacii lasoo saaray ayaa kuwii Maanta shaaciyay habraacii Doorashada Golaha Shacabka ku eedeeyay inay abuurayaan marxalad Cakiran oo jihada ka leexineysa habsami u qabsoomida doorashada.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo saaray.