Cabdalla Cumar Saalax oo ka tirsanaa Guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii Guddigaas, isagoo eedeyn u jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Cabdalla Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu isaga soo baxay Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, isla markaana sheegay in fara-gelin lagu haayo doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka.
Wuxuu Cabdalla Cumar ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu la wareegay Go’aan kasta oo qaadan lahaa Guddiga, isla markaana Guddiga doorashada Banaadiriga laga xukumayo Xafiiska Maxamed Xuseen Rooble, taasina ay tahay Cadaalad darro oo jirta.
Sidoo kale Cabdalla Cumar Saalax ayaa tilmaamay inuu isaga baxay Guddigii uu tirsanaa oo aan waxba laga weydiin doonin doorashada, wuxuuna Carabka ku dhuftay inuu ka xun yahay fara-gelinta uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku haayo doorashada.
Tallaabada uu isku Casilay Cabdalla Cumar ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay Guddiga doorashooyinka heer Federaal uu shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Golaha Shacabka Banaadiriga, lana fasaxay qabashada doorashada.