AKHRISO: Maxaa ka dhalan kara Weerarka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine?

Ukraine waxa ay quudisaa Yurub, wax soo saarka Beeraheeda waxaa lagu quudiyaa Shucuubta Africa iyo Asia.

Ukraine kaalinta 5-aad ayay kaga jirtaa Dalalka dhoofiya Qamadiga , sidoo kale waxa ay  caan ku yahay Galleyda Masagada iyo Saliidda.

In kabadan 50% Waddamada Bariga Dhexe sida masar iyo Lubanaan ayaa ku tiisan Qamadiga ay soo saarto.

Ruushka hadda waxaa uu bartilmaameed sanayaa bariga Dalka Ukarin oo caan ku ah wax soo saarka Qamadiga iyo galleyda , Dagaalkasta oo maanta dhacana waxa uu sababi doonaa in Qatar ay soo wajahdo amniga raashinka Adduunka

Ruushka ayaa ah dalka ugu weeyn ee Gaska Dabiiciga ah soo saara , sidoo kale waa dalka labaad ee naftada adduunka u iib geeya

Yurub 40% ayay ku tiirsan tahay gaaska Ruushka uu soo saaro , haddii Duqeyntan sii socoto Barmiilka Shidaalka ah waxa uu kor u kici doonaa 40% , Yurub ayaana dhibbanaha ugu weyn noqon doonto

Madaxweynaha ruushka ayaa ku gooddiyay haddii Cunaqabateen la saaro Dalkiisa in isagana uu jari doono sahayda Shidaalka ah ee ay ka iibiyaan Yurub

Dadka reer Yurub waxaa ku qaaliyoobi doona Korontada , iyaga oo ku qasbanaan doona in ay keyd kooda isticmaalaan si ay u sii noolaadan.

 

W/Q: Ustaad Aweys Xasan Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor