Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay si dhow ugala shaqeyn doonto Saraakiisha Dowladda Federalka Somalia (FSG) iyo Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland walaaca ka dhashay Duqeyntii ay Diyaaradaha Maraykanka bishii September 28-dii ka geysteen magaalladda Gaalkacyo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Maraykanka ku baraarugsan yihiin Wararka la xiriira Khasaarihii ka dhashay Weerarkii Gaalkacyo, isla markaana uu Eedeymaha noocaasi u qaadanayo si aad ah.
Waaxda Difaaca Maraykanka waxay dib-u-qiimeyn ku haysaa dhamaan Caddaymaha macquulka ee Duqeyntaasi.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia uu bishan October 6-dii, 7-dii iyo 8-dii Kulamo kula yeeshay Muqdisho Odayaasha Qabiilka, Bulshadda iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed.
Danjiraha Maraykanka waxa kaloo uu Wada-sheekeysi muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Taliska Ciiddanka Qaranka Somalia ee SNA.
Danjiruhu waxa uu tilmaamay inay Maraykanka doonayaan in la xiriiriyo Iskaashiga iyo Isgaarsiinta ay la leeyihiin Ciiddanka Galmudug iyo kuwa Qaranka Somalia si loola dagaalamo Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ka soo baxay Dowladda Maraykanka waxa uu si xoogan ugu dhiirigeliyey Maamulladda Galmudug iyo Puntland inay qaadaan Wada-xaajood muhiim ah si loo xaliyo Kala-qeybsanaanta weli taagan iyo in la abuuro Xaallad Nabadeed iyo Dib-u-heshiisiin Sal-ballaaran.
©Radio Dalsan