Dowladda Turkiga ayaa qorshaynaysa inay bisha Sagaalaad ee sanadkan u dirto Markabka cilmi baarista iyo sahminta ee Oruc Reis, baloogyada saliidda ee ku yaalla biyaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay warbaahinta Bloomberg.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dedaalada Turkiga ee lagu xoojinayo joogitaankiisa Qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo ah dal leh khayraad dabiici ah oo aan weli si buuxda loo sahmin.
Markabka Oruc Reis ayaa ah mid ku takhasusay cilmi baarista iyo sahminta kheyraadka badda hoosteeda, waxaana lagu wadaa inuu baaritaan ballaaran ku sameeyo xeebaha Soomaaliya, si loo ogaado cadadka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee halkaas ku jira.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Maxamed Xaashi, ayaa sheegay in sahminta lagu sameyn doono saliidda ku jirta xeebaha Soomaaliya, taas oo fursad weyn u noqon karta horumarinta dhaqaalaha dalka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la gashay Turkiga heshiis muhiim ah oo ciidamada badda Turkiga ku ilaalinayaan ammaanka xeebaha Soomaaliya. Heshiiskan ayaa yimid iyadoo uu sii xoogeysanayo damaca Itoobiya ee ku aaddan inay qayb ka hesho xeebaha Soomaaliya, taas oo abuurtay xiisad cusub oo ku saabsan ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in qorshaha Turkiga ee sahminta saliidda Soomaaliya uu kor u qaadi doono xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga fili karo in uu saameyn ku yeesho saaxiibtinnimada istiraatiijiga ah ee Turkiga iyo dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in sahminta ay Turkiga ka wado xeebaha dalka ay horseedi doonto maalgelin iyo mashaariic horumarineed oo la xiriira kheyraadka dabiiciga ah.