Darawalada Mooto Bajaajta ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho, soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo lagu dhimay qiimaha lagu qaato leysinka iyo ganaaxa.
Wadayaashan mootooyinka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Gaadiidka, iyagoo sheegay in go’aankan uu yahay mid ka turjumaya codsigoodii iyo cabashadii ay horey u muujiyeen. Muddo labo maalmood ah ayay wadeen mudaaharaadyo ay kaga soo horjeedeen qiimaha sare ee leysinka, waxayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in dowladda ay dhegeysatay codkooda.
“Waxaan u mahadcelineynaa Wasaaradda Gaadiidka, maadaama ay ka jawaabtay cabashadeenna oo lagu dhigay lacagta leysinka 106.5 doolar, halka markii hore ay ahayd 300 doolar. Sidoo kale, ganaaxii ahaa 50 doolar waxaa laga dhigay 5 doolar. Tani waa horumar weyn oo aan si weyn u soo dhaweyneyno,” ayuu yiri mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajta ka shaqaysta magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa ay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin inay gudaha dalkooda ka shaqeystaan, balse waxay walaac ka muujiyeen in haddii dowladda ay cadaadis dheeraad ah saarto shaqooyinka ay hayaan, ay dhalinyaro badan ku qasbi karto inay dalkooda isaga tahriibaan. Waxay carabka ku adkeeyeen in shaqada Mooto Bajaajtu ay tahay midda ugu baahsan oo ay ku shaqeystaan dhalinyarada Soomaaliyeed, maadaama ay ka jirto xaalad shaqo la’aan ah oo baahsan.
Ugu dambeyntii, darawalada Mooto Bajaajta ayaa ka codsaday dowladda in ay xoojiso taageerada ay u fidiso, isla markaana laga yareeyo culeysyada iyo cadaadiska uga yimaada dhinaca ciidamada iyo dowladda,