• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 18, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Xisbiga Garabka Midigta ee Fratelli d’Italia oo Xukuumadda weydiiyey doorka Sirdoonka Turkiga ee lagu soo badbaadiyey Silivia Romano

Bilan Media by Bilan Media
May 12, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Xisbiga Garabka Midigta ee Walaalaha Talyaaniga (Fratelli d’Italia) ayaa su’aal ka keenay Doorka Sirdoonka Turkiga ee ka qeyb galay Hawlgalkii dhawaan lagu soo badbaadiyey Haweeneyda Talyaaniga ee Silvia Romano.

Madaxa Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Xisbigaasi, Karlo Fedanza waxa uu ugu baaqay Ra’siul-wasaaraha Xukuumadda Talyaaniga, Jesepe Konte inuu faahfaahin ka bixiyo Xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Turkiga, kadib, markii ay Hay’adda Sirdoonka Turkiga ka qeyb-galeen Hawlgalkii lagu soo badbaadiyey Haweeneyda Samafalaha ahayd ee Silvia Romano.

 

“Waxaa jira meelo badan oo uu mugdi ku jiro, laga bilaabo Mas’uuliyadda kuwii u diray Silvia Romano inay ka soo shaqeyso deegaan ka tirsan Kenya oo aan lahayn xitaa Heerka ugu liita ee Ammaanka” ayuu yiri Karlo Fedanza.

Waxa uu intaasi ku daray in Talyaaniga lagu khasbay inay cadad badan oo lacag ah ku bixiyaan madax-furashada la siiyey Alshabaab iyo in la isklu haleeyo Dhexdhexaadinta Turkiga, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee Aki News Agency oo Warkan ku soo daabacday Websaytkooda waxay ka soo xigatay Madaxa Guddiga Arrimaha Dibedda ugu qaabilsan Xisbiga Walaalaha Talyaaniga (Fratelli d’Italia), Karlo Fedanza inuu ka codsaday Xukuumadda Ra’isul-wasaare Konte inay sharaxaad ka bixiyaan halka iyo sida uu isku bedelay Xiriirka lala leeyahay Talyaaniga, kadib, sii-dayntii Silvia Romano.

Dhinaca kale, Dood ballaaran ayaa waxay hareysay qaabkii loo sii daayey Haweeneydaasi iyo Eedeymaha ku aadan inay Dowladda Talyaaniga bixiyeen Laaluush.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga, Luji de Mayo waxa uu Boggiisa Rasmiga ee Facebook-ga ku qoray mahadcelin uu u jeediyey dadaalka Ragga iyo Haweenka ee dalak ka geysteen inay Silvia Romano dib ugu soo laabato Talyaaniga.
Waxa kale oo uu qoray inay tani tahay arrinta keliya ee muhiimka ah.

Xisbiga Mucaaradka ee Walaalaha Talyaaniga (Fratelli d’Italia) waxaa Guddoomiye ka ah Jorjiya Meloni oo xubin ka ah Golaha Xildhibaanadda ee dalkaasi, waxaana Xisbiga la asaasay bishii December ee sanadkii 2012-kii, kadib, markii uu kala jabay Xisbigii kale ee lagu magacaabi jirey Xisbiga Dadka Xorriyadda ee Popolo della Liberta ee loo yaqaano PDL

 

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Talyaaniga weli si rasmi ah ugama jawaabin Su’aalaha ka soo yeeray Xisbiga Mucaaradka ee Walaalaha Talyaaniga (Fratelli d’Italia) ee ku aadan Tuhunka Xiriirka Talyaaniga iyo Turkiga ee Hawlgalka ay Sirdoonka Turkiga kaga qeyb galeen sidii loo soo badbaadin lahaa Haweeneyda Samafalka ee Silvia Romano, taasi oo bishii November ee sanadkii 2018-kii laga soo qafaashay gudaha dalka Kenya.

Links-ga ka akhriso : https://www.adnki.net/AKI/?p=59385

Xigasho: Aki News Agency

Previous Post

Dowladda oo agab Caafimaad gaarsiisay Magaalada Garoowe

Next Post

Dowladda Somalia oo shaacisay in Dad Cusub laga helay COVID-19

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda
Warar

Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta K/Galbeed oo Howlgal Ka Fuliyay Baraawe Duleedkeeda

May 17, 2025
Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe
Warar

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Meel u Dhow Garoonka Baraawe

May 17, 2025
Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Xalay Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe

May 17, 2025
Next Post

Dowladda Somalia oo shaacisay in Dad Cusub laga helay COVID-19

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Mogadishu, Somalia – 17 May 2025 – The National Communications Authority (NCA) hosted a full-day training and adoption event in...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

by Dalsan Editor
May 17, 2025
0

Muqdisho, Soomaaliya – 17 May 2025 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad wacyigelin iyo tababar...

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

by Ilhaan
May 17, 2025
0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey meertada 34-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta...

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

by Liban
May 17, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – Uganda's Deputy Chief of Defence Forces, Lt. Gen. Sam Okiding, arrived in Mogadishu today on an official...

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
English News

NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
Warar

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
Warar

Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges
English News

Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya
English News

Somali Ambassador Attends Inauguration of Garissa Cultural Festival in Kenya

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso
Caalamka

Xal u Helidda Qaza oo Qodob Muhiim ah ka ah Shirka Jaamacadda Carabta oo ay somaliya ka qeyb galeyso

May 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • NCA Hosts Universal Acceptance Day to Promote Digital Inclusion
  • Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Maalinta Aqbalaadda Caalamiga ah si loo Dhiirrigeliyo Ka-qaybgalka Dhijitaalka ee loo dhan yahay
  • Xasan Sheekh oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Jaamacadda Carabta ee Baqdaad
  • Uganda’s Deputy Army Chief Arrives in Mogadishu to Boost Military Cooperation Amid AUSSOM Security Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00