NISA oo hawlgalo qorshaysan ka fulisay Degmooyinka ka tirsan Gobolka Banaadir

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay degmooyinka Hilwaa iyo Kaxda, hawlgaladan ayaa lahaa bartilmaameedyo cayiman oo indhaha lagu hayay.

Saraakiisha iyo Ciidamada fulinayey howlgalkan ayaa ku guulaystay in hawlgalka laga fuliyo goobihii bartilmaameedku ahaa oo ay in mudaba ah ba dabagal ku hayeen Ciidanka Sirdoonka.

Ciidamo hubeysay oo ka tirsan Ha’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen xog sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago,hawlgaladan ayaa ka dhacay degmooyinka Hiliwaa iyo Kaxda iyadoo ciidanku gacanta kusoo dhigeen walxo la rabay in lagu khal khal geliyo Amniga Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor