War-Saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) ayaa lagu soo dhaweeyey Go’aanka Taariikhiga ee ay Maxkamadda Sare ee dalka ku ansixiyeen Doorashaddii bishii May ee sannadkan lagu doortay Hoggaanka cusub ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ)
G/Xigeenka Xiriirka FESTU, C/raxmaan Xasan Cumar oo ku saxiixnaa War-Saxaafadeedkaasi ayaa sheegay inaysan guushaasi ku koobnayn NUSOJ,balse ay guusha u dhalatay dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, Xiriirka FESTU waxay ugu baaqeen Xiriirka Caalamiga ee Suxufiyiinta (The International Federation of Journalists (IFJ) inay xushmeeyaan Sharciga,isla markaana taageeraan Sharci ahaanta Hoggaanka NUSOJ iyo FESTU.
©Radio Dalsan