Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Koonfur Galbeed

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabadii u dambeysay ee doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saacado kaliya inaga xigaan xilliga loo balansan yahay oo ah 19 Bishaan.

Shalay Gelinkii dambe ayaa lasoo geba-gabeeyay hadal jeedinta musharixiinta Madaxweynaha,waxaana qorshuhu yahay in Maalinta berito ah ay dhacdo doorashada Madaxweynaha.

Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa inay kulan yeeshaan Guddiga qaban qaabada doorashada,iyaga oo ka tashanaya qaabka ay u dhaceysa doorashada iyo diyaar garoowgeeda.

m Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay,waxaana laga dareemayaa xaalad deganaansho ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii banaanbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Saddex Maalin oo isku-xigta,hayeeshee Ciidamada Booliska ay si awood ah ku joojiyeen.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ku baaqaya in doorashada dib loo dhigo si xal looga gaaro xariga Muqtar Roobow oo ka mid ahaa musharixiinta,hayeeshee Guddiga doorashada ayaa ku adkeysanaya in ay doorashada ku dhaceyso waqtigeeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor