Xiriiriyaha Ammaanka ee W/bari Kenya oo ka mid noqday Guddiga Xeradda Qaxootiga Dhadhaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery waxa uu shalay magacaabay guddi ka kooban 11-xubnood oo loo xil-saaray Fulinta Go’aanka lagu xiray Xeradda Dhadhabaab oo ay ku jiraan ugu yaraan 600,000 oo qaxooti u badan Somali.

Guddiga la magacaabay oo madax looga dhigay Jeneral hawlgab ah oo lagu magacaabo Gordon Kihalangwa ayaa la filayaa inay muddo 2 isbuuc ku soo dejiyaan Jadwalka lagu xirayo Xerada Dhadhaab, Qorshaha Ammaanka  iyo Kharajka ku baxayo Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.

Guddigaasi waxaa xubihiisa ka mid ah Xiriiriyaha Hawlaha Ammaanka ee W/bari Kenya Jeneral Maxamuud Saalax, Madaxa Xarunta La-dagaalanka Argagixisadda Kenya, Martin Kimani iyo Madixii Guddiga Kenya ugu qaabilsnaa Qaxootiga ee la kala diray, Haron Komen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor