Kenyan  ka goostay Alshabaab oo lagu dilay dalkaasi.

Ninkaasi oo la oran jirey Subiira Suudi Mawangole oo bishii Feberaayo ee la soo dhaafay ka soo goostay Alshabaab, iskuna dhiibay dowladda Kenya ayaa lagu soo waramay in lagu dilay Degmadda Kawaale oo uu horey isaga dhiibay.

Sarkaal ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa ku eedeeyey xubno ka tirsan Alshabaab inay ka dambeeyeen dilkaasi, waa sida ay hadalka u dhigeen, mana jirto koox sheegatay dilkaasi.

Subiira Suudi Mawangole oo Wargeyska The Standard wareysi siiyey Bishii Feberaayo 23-dii waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Dagaalyahano Shisheeye oo ay Alshabaab tababar Milliteri siiyeen, si ay uga mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu xusay inuu Alshabaab ku biiray, kadib, markii uu ka mid noqday Dhallinyaro Kenyan ah oo ay Tashkiiliyeen labo Sarkaal Kenyan ka tirsan Alshabaab oo la dilay, kuwaasi oo uu magacyadooda ku sheegay Xasan Suleyman Mwayuyu iyo Xasan Bakaari.

Dhinaca kale, Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay inay isa soo dhiibeen ku-dhawaad 1,500 dhallinyaro Kenyan horey uga tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inay ka faa’ideystaan Cafiska Dowladda Kenya soo saartay sannadkii hore.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor