Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa todobaadkan booqashadii u horreysay ku tagaya dalka Turkiga, kaddib dilkii Jamal Kashoggi oo sanadkii 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa dalalka Jordan iyo Masar.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu Arbacada imaan doono Turkiga, ayna soo dhoweyn doonaan,
Madaxweyne Erdogan  ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka labada dal la gaarsiin doono heer aad u sarreeya. Labada dal ayaa kala saxiixan doona heshiisyo dhowr ah inta lagu guda jiro safarka Amiir Mohamed Bin Salman.
Bishii April ayay aheyd markii Madaxweyne Erdogan uu Sacuudiga booqday, sanado kaddib oo xiriirka labada dal uu xumaaday.