Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Shir Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uga socday Maamulka dowladdaha Hoose ee Puntland lagu kala kacay, kadib markii sii socoshada shirkaas uu hareeyay khilaaf xoogan.
Ilo-wagal ah ayaa xaqiijinaya in sababta keentay in shirka dowladdaha Hoose ee Puntland lagu kala kaco ay tahay, ka gadaal markii khilaaf uu soo kala dhex-galay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in khilaafka uu bilowday markii Axmed Karaash uu Wasiir Dhabancad uu ku amray inuu shirka kabaxo, waxaana markii dambe shirka ka baxay Wasiirka oo ay hore u raaceen qaar kamid Guddoomiyeyaasha degmooyinka.
Shirka oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu dambeyn lagu kala tagay, isla markaana waxaa Xarunta uu shirka ka socday ka dhaqaaqay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka iyo xubnaha ku haray.
Si kastaba ha’ahaatee Khilaafka Karaash iyo Dhabancad ayaa salka ku haya khilaafka Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa, iyada oo Wasiir Dhabancad kamid ahaa saddex wasiir oo karaash xilka qaaday kolkii Deni ku jirey Ololaha Doorashasa Soomaaliya.