Wararka naga soo gaaraya Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu halkaasi gaaray Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo maalma kahor laga siidaayey Xabsi ku yaalla Itoobiya,isla markaana ka mid ah Jabhada ONLF.
Qalbi-Dhagax oo ka ambabaxay Magalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya,ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha JKIA ee Magalada Nairobi kusoo dhaweeyey xildhibaano,Sanotero,Siyaasiga faarax macalin iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dadka soo dhaweeyey waxaa ka mid ah xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
“Waxaa ilaah mahadiis ah inaan walaalkeen halgamaa C/karim Sh. Muuse Qalbi Dhagax aan ka mid ahaa dadkii Soomaaliyeed ee caawa ku soo dhoweeyey garoonka JKIA ee Nairobi..
C/karim waa nin Qalbi wanaagsan, Soomaali xalaal ah, ay ka muuqata duntiisa wanaagsan iyo abaalka uu u hayo Soomaali oo dhan.
Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu wareejisay dowladda Itoobiya,basle lagu soo daayey cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ayaa la midoobi doona qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya,waxana la filayaa in maalmaha soo socda munaasabado soo dhaweyn ah Nairobi loogu sameeyo.