Madaxweyne Xi Jinping oo Digniin kasoo saaray Cudurka ka dilaacay Shiinaha

Faafidda feyriska ku dhaca neef mareen ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalka Shiinaha, waxaa sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray saraakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo sanadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

Dalka waxa uu wajahayaa “Xaalad qalafsan” waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

Seynisyahano ayaa sheegaya in dowladda Shiinaha laga doonaya in ay dhinto heerka isu gudbinta feeriskan faraha ba’an ku haya dalkaasi ee neef mareenka ku dhaca %60 waa haddii ay tahay in cudurka la joojiyo.

Digniintan ka timid xarunta xakamaynta cudurada ee UK ayaa imaanaysa xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaadiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media